U bood dhigaalka

Labada Aqal Ee Baarlamaanka Federaalka Ah Oo Ka Qeyb galay Furitaanka Kalfadhiga 40-aad ee Baarlamaanka Puntland

Sheeko:Baarlamaanka

Xafladda maanta lagu qabtay magaalada Garoowe, xarunta Puntland ayaa lagu fulay Kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakiilada Puntland.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb-galay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, Guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Xildhibaanno labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay horumarka iyo dowladnimada ka jirta maamulka Puntland isaga oo aad u ammaanahy heykalka dowladnimo ee halkaasi ka jirta.

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah Cabdi Xaashi ayaa waxaa uu ku dheeraaday midnimada iyo sida umadda Puntland u jecel yihiin nabadda iyo horumarka.

Mr. Cabdi Xaashi waxaa uu intaa raaciyay in uu Garoowe tagay 3 jeer, 1983, 2006-dii iyo hadda, isaga oo qiray in uu ku arkay isbadal iyo horumar, quruxdana ay ku timid midnimada Puntland.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas oo furay golaha ayaa ka hadlay golaha dowlad goboleedyada isaga oo sheegay in golahaasi loo dhisay danta saxda ah ee dowlad goboleedyada iyo in looga hortago cadawga Soomaaliya.

Mudane Cabdiweli Gaas waxaa uu baarlamaanka Puntland ka codsaday in ay shaqo adag qabtaan, oo ay ka shaqeeyaan amniga iyo Wada jirka isaga oo ballan-qaaday in ay la dagaali-doonaan Daacish iyo Al-shabaab.

Goobjoog News