U bood dhigaalka

Labo Askari Oo Ku Dhaawacantay Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax Miino ayaa maanta deegaanka Km 13 ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa lagula eegtay gaari nooca loo yaqaano Cabdi Bilaha oo ay la socdeen ciidamo Booliis ah kaasi oo khasaare geystay.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku dhaawacmay Labo ka mid ah ciidanka Booliiska ee saarnaa gaarigaasi, iyadoo sidoo kale gaariga ay waxyeello soo gaartay.

Askarta saarneyd gaarigan ayaa ka tagay magaalada Muqdisho waxaana la sheegay inay u socdeen dhanka degmada Afgooye.

Cabdiraxmaan Garyare oo ah guddoomiyaha maamulka deegaanka Garasbaaley oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Labada Askari uu dhaawaca kasoo gaaray dhanka Lugaha.

“Qaraxa waxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay, waxaana lala eegtay ciidamo Booliis ah oo kasoo socday magaalada Muqdisho, Labo askari ayaa dhaawacan” ayuu yiri Garyare.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, hase ahaatee deegaanka Km 13 sidan oo kale waxaa uga dhacay qaraxyo lala eegtay askar ka tirsan dowladda Federaalka.

Goobjoog News