U bood dhigaalka

Labo Askari Oo Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa lagu soo waramayaa in degmada Yaaqshiid, gaar ahaan xaafadda Suuq Bacaad ay ku dileen Labo askari oo ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dilka ka dib ay goobta isaga baxsadeen raggii falkaasi ka dambeeyey.

Goob jooge ayaa inoo sheegay in hadda halkaasi ay gaareen ciidamada ammaanka kuwaasi oo howlgallo wada.

Askarta la dilay ayaa ka kala tirsan sida la xaqiijiyey xasilinta iyo ciidanka dowladda hoose.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News