U bood dhigaalka

Labo Askari Oo Lagu Diley Baardheere, Gedo

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ku dileen Labo askari oo la sheegay iney ka tirsanaayeen ciidamada maamulka Jubbaland.

Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News, in raggii wax diley ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamada ammaanka degmada Baardheere oo gaaray halka wax lagu diley ayaa la sheegayaa iney sameeyeen howlgal aan la faah faahin.

Xaaladda guud ee Baardheere maanta waa ay deggan tahay, mana jirto wax war ah oo  kasoo baxay maamulka degmada Baardheere.

Goobjoog News