U bood dhigaalka

Labo Bil Kadib Waa Sidee Xaalada Garoonka Stadium Muqdisho

Sheeko:Cayaaraha

27-Auguts 2018-ayay markii Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo  kormeer ku tagay garoonka Ciyaaraha ee (Stadium Muqdisho) waxa uu sheegay in dowladda ay bilaabayso qorshe ballaaran oo lagu hawlgalinayo garoonka

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay haatan joogto marxalad ay higsanayso dib u dhiska kaabeyaasha nolosha iyo soo celinta kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahayd Qaaradda Afrika.

“Annaga oo dhammaystirayna qorshaha la wareegidda garoonkan, waxaynu dib u cusboonaysiin iyo dib u dhis ku samaynaynaa garoonkan, si loo soo celiyo bilicdii uu lahaan jirey Muqdisho Stadium.”waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Madaxweyne Farmaajo

Bahda ciyaaraha ayaa marar badan sheegay in ay jecelyihiin in uu dib u shaqeeyo garoonka Stadium Muqdisho si ay usoo noqdaan tartamada caalamiga uu dalkeena ugu qeyb galo caalamka dadka soo dhaweeyay da’aal horomarneyd ee ka socda garoonka waxaa ka mid ah gudoomiye ku Xigeynka 2-aad ee xiriirka kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), iyo Maxamed Cabdulle Farayare oo ka mid ah macalimiinta farsamada X.K.Cagta,iyagoo arinta ku tilmaayay geed socoda wanaagsan ee isboortiga gudaha

Kooxda qurbajoogta Soomaaliyeed oo intii u dhaxaysay 17-30-October caasimada Muqdisho ka samaysay is dhaxgal bulsho iyo ciyaaro saaxiibtinimo ayaa nasiib u yeeshay in ay booqdaan garoonka Stadium,iyagoo ka qeyb qaatay nafaada kala duwan oo ka socotay Xuseen Aba Nuur Abti oo horay ugu ciyaaray kooxda wagad iyo xulka qaranka kana mid ahaa wafdiga kooxda qurbajoogta ayaa sheegay bilo ka hor wixii uu ka arkay baraha bulshada iyo sida hada loo diyaariyay Stadium oo u dhaxeeyo farqi weyn loona baahanyahay in inta dhiman la dhameystiro

Dowladda ayaa balan qaaday in muddo gaaban lagu hagaajin doono garoonka si loo soo celiyay maqaakii ciyaaraha caalamka ee wadankeena ku lahaa adduunka waxayna arinta guul u tahay bahda ciyaaraha

Halkaan Ka Daawo Wixii Iska Badalay Garoonka Stadium Labadii Bil Lasoo Dhaafay

https://youtu.be/ytGLjbpTQqY

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle