U bood dhigaalka

Labo Oday Oo Maanta Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta  ka dhacay dilal kala duwan kuwaas loo geystay odayaal dhaqameedyo ka mid ahaa kuwii wax ka soo xulay Ergooyinkii soo  doortay Baarlamanka Soomaaliya.

Dilka 1aad ayaa waxa uu ka dhacay dagmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafada juunle. waxaana loo geystay nin nabadoon ahaa.

Nabaddoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Ibraahim Cariif, waxaana uu ka mid ahaa waxgaradka sidda si weyn looga yaqaano Xaafadda Juungal.

Dilka Nabadoonka ayaa ka dhacay Gudaha Masjid Sheekh Xasan Cadde, waxaana dilka geystay Koox hubeysan oo goobta ka baxsatay.

Nabadoonka ayaa ka mid ahaa Odayaashii soo xulay Ergooyinkii soo doortay xildhibaanada Golaha Shacabka ee maamulka Hirshabeelle.

Dilka 2aad ayaa  waxa uu ka dhacay dagmada Dharkenley ee gobalka Banaadir, gaar ahaan xaafada suuq liif ninka lagu dilay Dharkeynley oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen Maadey ayaa waxa uu kamid ahaa nabadoonada ku dhaqan xaafadda suuq liif.

Dilka ayaa waxaa geystay kooxo ku hubeystaa bastoolado kuwaas oo markii dilka ay,  ka geysteen goobta iskaga baxsaday,

Nabadoonka la dilay ayaa waxa uu ka mid ahaa oErgadiii Xildhibaanada Baarlamaan Federalka Soomaaliya  ku soo dooratay Magaalada Baydhabo ee Koonfur galbeed.

Goobjoog News