U bood dhigaalka

Labo Qarax Oo Goor Dhaw Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in Qaraxyo xooggan goor dhow ay ka dhaceen Waqooyiga magaaladaasi ee Puntland maamusho.

Wariyeyaasheenna ku sugan Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in qaraxa Koowaad uu ka dhacay xarunta dowladda Hoose, xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo, iyadoo daqiiqado kadib qarax kale laga maqlay isla halkaasi.

Qaraxyadan weli lama oga waxa ay yihiin, balse guud ahaan magaalada Gaalkacyo ayaa laga maqlay jugtooda.

Lama oga khasaaraha guud ee ay geysteen qaraxyadan, hase ahaatee waxaa xiran waddooyinka gala halka qaraxyadan ay ka dhaceen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News