U bood dhigaalka

Labo qof oo gaajo ugu geeriyooday gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Warar naga soo gaaray gobolka Gedo ayaa sheegaya in labo ruux ay u geeriyoodeen abaarta ka jirta gobalka Gedo kadib markii ay waayeen biyo ay cabaan.

Xaaladaha biyo la’aanta ee ka jira gobolka ayaa ka sii daraysa maalmihii u dambeeyay.

Daahir Maxamuud Nuur oo ah guddoomiyaha guddi loo xil saaray abaaraha ee degmada Luuq ayaa u sheegay Goobjoog FM in abaarta gobalka Gedo ka jirta ay ka sii dartay oo ay gaartay heer dadkii ay la’yihiin biyo ay cabaan iyo sidoo kale raashinkii ay cuni lahaayeen.

Waxa uu intaa ku daray in kaalmo wanaagsan ilaa hadda aysan soo gaarin dadkaasi waxaana uu ku celiyay in beesha caalamka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay deg deg ugu soo gurmadaan dadkaasi.

Xaaladaha abaareed ee taabtay dadka iyo duunyada gobolka waxaa u dheer roobabkii di’i jiray oo ka daahay waqtigooda.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah gobolada sida ba’an ay u saameysay abaarta iyo macluusha.