U bood dhigaalka

Labo Qof Oo Ku Dhimatay Wabiga Shabeelle, Degaanka Beexaaw Ee Gobolka Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degaanka Beexaaw oo hoostaga magaalada Jowhar ayaa sheegaya in maanta tuuladaasi ay ku dhinteen labo ruux.

Labadaan ruux ayaa kamid ahaa dadka shacabka ah ee degaanka Beexaaw kuwaas oo wabiga Shabeelle ee mara gobolka Shabeellaha Dhexe biyihiisa uu qaaday.

Wararku waxay tilmaamayaan in labada qof ay waddada wabiga ku dhow maraysay markii wabiga ay ku dhacayeen.

Waddo u dhow wabiga meel uu maro oo dhowaan waddo ahaan la billaabay in loo isticmaalo ayaa la duntay sidaana waxaa ku qaaday wabiga.

Guddoomiyaha tuulada Beexaaw Xaamud Axmed ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in meydadka labada qof mid kamid ah la helay.

Labadani qof ayaa si kadis ah maanta la soo sheegayaa inay biyaha wabiga ugu dhaceen islamarkaana hafasho kadib way ku geeriyoodeen.

Maamulka degaankaasi ayaa sheegay in dadka uu uga digayo inay ka fogaadaan waddadaasi oo dhowaan la sameeyay islamarkaana dadka degaanka ay isticmaalayeen tan iyo markii la sameeyay.

Goobjoog News