U bood dhigaalka

Labo Qof Oo Ku Geeriyootay Dab Ka Kacay Xarun Ganacsi Oo Ku Taalla Degmada Hilwaa

Sheeko:Dalka

Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa ku geeriyootay dab habeenkii xalay ahaa ka kacay xarun ganacsi oo ku taalla xaafadda Suuqa Xoolaha, degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan xaafaddaasi ayaa u sheegay Gobjoog News in dabkan uu si lama filaan ah ku kacay, islamarkaana uu ku faafay xarumo ganacsi kale.

Halka dabka uu ka kacay ayaa ku taalla biyo dageenka Suuqa Xoolaha, gaar ahaan kasoo horjeedka halka loo yaqaano warshadda Barafka.

Gurmad ay sameeyeen dadka deegaanka ayaa lagu guuleystay inay damiyaan dabkaasi.

Ka sokow khasaaraha nafeed ee dabkaasi uu geystay lama oga inta ay la egtahay hantida dabkaasi ku baaba’day.

Goobjoog News