U bood dhigaalka

Labo Qof Oo Ku Geeriyootay Gaari Xamuul Ah Oo Baasuuke Lagu Dhuftay Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in Labo qof ay ku geeriyootay Baasuuke habeenkii xalay ahaa lagu dhuftay gaari nooca xamuulka ah oo Alaab bagaash siday, kaasi oo yaalla bartamaha degmadaasi.

Labada ruux ee geeriyootay ayaa la xaqiijiyey inay kala ahaayeen Darawalkii iyo sidoo kale Kirishboygii la socday gaariga, iyadoo weli aan la ogeyn cidda falkaasi ka dambeysa.

Sidoo kale mid ka mid ah Xarumaha ganacsi ee ugu weyn degmada Afgooye ayaa la xaqiijiyey in sidaas oo kale Baasuuke loogu dhuftay, iyadoo guud ahaan ay baaba’day xaruntaasi.

Maamulka degmada Afooye oo aynu xiriir la sameynnay ayaa xaqiijiyey geerida dadkaan, sidoo kalena waxay sheegeen inay wadaan baaritaan la xiriira sida ay wax u dhaceen.

Ciidamada Booliiska ayaa maanta howlgallo ballaaran ka wada degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha, mana jirto cid loo soo qabtay falalkii xalay ka dhacay degmadaasi.

Goobjoog News