U bood dhigaalka

Labo Qof Oo Ku Geeriyootay Guri Kusoo Dumay Degmada Shangaani Ee Magaaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Guri ku yaalla degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho ayaa ku dumay qoyskii deganaa, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Cunug yar oo la sheegay in maalmo uu jiro, iyo gabar eedadiis ahayd ayaa la xaqiijiyey in halkaasi ay ku dhinteen.

Waxaa dadka dhintay ku dul dhacay darbi shub ah oo soo dumay, iyadoo weli laga cabsi qabo guryo kale oo ku yaalla degmada Shangaani iney dumaan.

Guddoomiyaha degmadaasi C/qaadir Maxamed C/qaadir oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay gurmad u fidiyeen qoyska gurigan kusoo dumay.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa uga digey shacabka ku dhaqan degmada Shangaaani gaar ahaan kuwa barakacayaasha ah ee ku dhaqan guryaha burbursan in taxaddar muujiyaan maadaama ay dhici karto in guryahan soo dumaan.

Degmooyinka Shangaani, X/weyne iyo kuwo kale waxaa ku yaalla guryo dhissan sanado aad u baahan, laganaa cabsanayo inay kusoo dumaan dadka deggan.

Goobjoog News