U bood dhigaalka

Labo Qof Oo Ku Geeriyootey Dagaal Ka Dhacay Degmada Qoryooley, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyey ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar kusoo qaadeen degmadaasi, gaar ahaan goob ay fariisin ku lahaayeen ciidamada AMISOM, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan.

Inta la xaqiijiyey Labo ruux oo shacab ah ayaa dagaalkaasi ku geeriyootey 7 kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib markii madfac uu ku dhacay masjid ku yaalla degmadaasi.

Goob jooge ayaa inoo sheegay in dadka dhaawacmay qaarkood xaalad ahaan ay aad u liitaan, sidoo kalena ay jiraan dad dhaawacyadooda aan degmadaasi wax looga qaban karin.

Labada dhinac oo madaafiic is weydaarsanayey inta dagaalka uu socday ayaa ku dhacay meello badan oo ka baxsan halka lagu dagaallamay.

Taliska AMISOM iyo Al-shabaab weli kama aaney hadal dagaalladan, xaaladda guudna saakay waxay tahay mid deggan.

Goobjoog News ayaa isku dayday in xiriir ay la sameyso maamulka degmada Qoryooley si aynu xog badan uga helno dagaalkaasi, hase ahaatee inooma suurtagelin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News