U bood dhigaalka

Labo Qof Oo Lagu Diley Deegaanka Kudhaa Ee J/hoose

Sheeko:Dalka

Labo qof oo la sheegay iney ahaayeen shacab ayaa lagu soo waramayaa in fiidkii xalay ahaa lagu diley deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubada Hoose.

Qof deegaanka ah ayaa xaqiijiyey in rag ka tirsan Al-shabaab ay duleen dadkaan, kuwaasi oo Kenta ugu maqnaa dhuxul shidis.

Labada qof ee la diley ayaa ahaa 50 sano jirro waxaana sidoo kale dhaawac uu soo gaaray sida la sheegay ruux kale oo iyaga la socday.

Al-shabaab ayaa la sheegay in marar badan ay digniino siiyeen raggan oo dhuxusha shida, iyaga oo diidanaa in meelaha ay ku sugan yihiin laga jaro geedaha.

Sidan oo kale marar badan ayeey Al-shabaab waxay u toogteen rag ka shaqeysta shidista dhuxusha, iyadoo dagaalyahanno Al-shabaab ah ay ku sugan yihiin dhulka Kenyta ah ee Kudhaa.

Goobjoog News