U bood dhigaalka

Labo Qof Oo Lagu Diley Degmada Tiyeeglow Ee Bakool

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in xarakada Al-shabaab ay halkaasi ku dileen Labo qof oo la sheegay iney ahaayeen dad shacab ah.

Al-shabaab, waxay dadkan ay dileen ku eedeeyeen iney la shaqeynayeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo shalay gelinkii hore degmadaasi faarujiyey.

Inta badan shacabka ku dhaqan degmadaasi yaa billaabey in halkaasi ay ka barakacaan, iyaga oo naftooda u baqay in dhibaato ay soo gaarto.

Xarakada Al-shabaab ayaa shalay la wareegtay degmada Tiyeeglow kadib markii ay degmadaasi ka baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Dhanka kale maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ciidankooda dib ugu laaban doonaan degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, islamarkaana halkaasi ay awood uga saari doonaan xarakada Al-shabaab waa sida ay hadalka u dhigeene.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhowaan billaabey iney isaga baxaan deegaanno kamid ah gobollada Hiiraan iyo Bakool.

Goobjoog News