U bood dhigaalka

Lafta Gareen Oo Maamul Cusub u Magacaabay Baydhabo

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed C/casiis Maxamed Laftagareen ayaa maanta magaalada Baydhabo ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Koofur galbeed u magacaabey maamul cusub.

Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada dowlad gobaleedka looga arrimiyo ayaa  lagu sheegay in markii Madaxweynuhu uu arkay baahida loo qabo in degmada Beydhabo ay  hesho maamul cusub oo dardargelin kara howlaha balaaran ee socda, ayuu gartay inuu u soo magacaabo maamul cusub.

Madaxweynaha ayaana sheegay markii uu arkay kartidooda iyo khibradda ay u leeyihiin shaqadaan in  uu u magacaabay isaga oona kula dardaarmay in su hufan ay uga soo dhalaalaan shaqada loo igmaday.

Xasan Macali Axned guddoomiyaha degabamada Baydhabo,

Isxaaq Maxamed Cali goddoomiye ku-xigeenka degmada Baydhabo,

Cabdifitaax Cali Mursal guddoomiye ku-xigeenka maalika iyo maaliyadda

Cabdulqaadir Cali Xasan guddoomiye ku-xigeenka arrimaha.

Mukhtaar Sharmaake Cali Xoghayaha dowladda hoose ee Koonfur galbeed

Sidoo kale Madaxweyme Cabdicasiis  Laftagareen ayaa shacabka degmada Baydhabo ugu baaqay in si dhow ay u la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo dhisay degmada Baydhabo ee gobalka Baay.

 

Goobjoog News