U bood dhigaalka

Lafta-gareen Oo QM iyo UK Kala Shiray Abaaraha

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed( Laftagareen) ayaa kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka UK u fadhisa Soomaaliya  Kate Foster iyo Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey u qaabisan Soomaaliya hawaanayda lagu magacaabo Kiki Gbeho.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka dalka, kuwaas oo si dardar leh uga socda maamulada  dalka .

Sidoo kale Laftagareen ayaa Ku-xigeenka Ergayga Qaraamada Midoobay si gaar kala hadlay arrimaha Abaaraha ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed iyo  sidii wax looga qaban xaaladda Abaaaraha oo dadka iyo duunyada saamaysay.

Guud ahaan dalka ayaa waxaa siweyn usaamaysay abaar baahsan oo ku dhufatay dalka, waxaana ay sameyn badan u gaysatay dadka iyo duunyada oo cuno iyo baad ku filan aan helin.

Goobjoog News