U bood dhigaalka

Lafta-gareen Oo Sheegay Inuu Ka Shaqeynayo Sii Deynta Mukhtaar Roobow

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha maamulka K/galbeed C/casiis Lafta-gareen ayaa sheegay in uu diyaar u yahay ka shaqeynta sidii loo sii deyn lahaa Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dowladda federaalka u xiran.

Waxgaradka beesha uu kasoo jeedo Sheekh Mukhtaar oo uu la kulmay madaxweynaha K/galbeed ayuu ugu ballanqaaday inuu ku xallinayo wax walbo oo tabashadooda ah.

Lafta-gareen ayaa ka raaligeliyey waxgaradkaasi wax walbo oo soo gaaray mudadii doorashada, isaga oo sheegay in uu xallin doono wax walbo oo tabasho ah.

Waxgaradka ayaa sidoo kale dhankooda u ballanqaaday madaxweynaha K/galbeed in si buuxda ula shaqeyn doonaan.

Magaalada Muqdisho waxaa ku xiran Sheekh Mukhtaar Roobow oo dowladda federaalka si awood ah uga soo kaxeysay magaalada Baydhabo xilli uu musharrax u ahaa doorashada K/galbeed.

Goobjoog News