U bood dhigaalka

Laftagareen Oo Magacaabay Guddiga Soo Xulista Baarlamaanka 2-aad Ee K/Galbeed

Sheeko:Baarlamaanka

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa maanta magacaabay guddi ka shaqeyn doona soo xulista xildhibanada cusub ee maamulkaasi.

Guddigan oo ka kooban 10 xubnood ayaa ka shaqeynaya sidii baarlamaanka 2-aad ee maamulka KGS loo soo xuli lahaa maadaama kan haatan uu waqtigiisa idlaaday.

10-ka xubnood ee guddigan ayaa leh gudoomiye iyo gudddoomiye ku xigeen waxa ayna sidoo kale leeyihiin xoghaye, waxa ayna shaqa gali doonaan maanta oo uu qalinka ku duugay madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen.

Dood badan ayaa ka taagnayd soo xulista baarlamaanka 2-aad ee KGS, waxa ayna odayaasha maamulkaasi doonayeen in iyaga ay soo xulaan xildhibaanada cusub.

Halkan ka akhriso magacyada Guddiga

1.Maxamed keerow Maxamed                    Guddoomiye

2.Mudixiin Aaadan Ibraahin                       Guddoomiye ku xigeen

3.Aadan Maxamed Cali                                Xoghaye

4.Mowlid Xasan Axmed                                              

5.Jaylaan Maxamed Cawf                                           

6.Faadumo Maxamed Axmed                                      

7.Aamino cumar Maxamed                                          

8.Cumar Cali Isaaq Xubin                                           

9.Faarax Sheekh Maxmed                                           

10.Caa’isho ibraahim Cali

Goobjoog News