U bood dhigaalka

Lammaane Duulimaad Looga Reebay Ku Dhawaaqista Allaah

Sheeko:Dalka

Lamaane Muslimiin ah oo degan dalka Mareykanka ayaa waxaa ay ku eedeeyeen shaqaalo ka mid ah Delta flight, in ay ula dhaqmeen si ay ku jirto cunsirnimo, taas oo sababtay in lamaanahaas laga reebo duulimaadkii ay ku qornaayeen.

Nazia Cali iyo seygeeda Faisal ayaa waxaa ay ku qornaayeen dulimaad u baxaya Ohio iyagoo ka yimid magaalooyinka London iyo Paris iyagoo halkaan ugu dabaaldegay 10-sano guurada arooskooda.

Sida lagu sheegay Cincinnati Enquirer, labadab lamaane ayaa waxaa sabab u noqotay baaqashadooda erayga alaahu kaas oo ka dhexmuuqday sheeko ay la yeelanayeen ehaladooda xili ay ku hadleen Telefan.

Qareennad Musliimnta ee dalka Mareykanka ayaa dacwad ka gudbiyay Delta flight, kaas oo ku saabsanaa arrinka lamaanaha oo dhacay 16 July.

Ma aha markii ugu horeysay ee dad heysta diinta Islaamka dhib loogu gesyto diinta awogeed.

Goobjoog News