U bood dhigaalka

Layaabkii Saddex Xagalka Bermuda oo Sababtiisa La Helay

Sheeko:War

Culumo saynisyahanno Mareykan ah ayaa ku dhawaaqay iney u suurtogashay xallinta hal-xiraalaha Saddex Xagalka Bermuda oo horey logu wareersanaa sababta ay diyaaruhu ugu dul dhacaan maraakiibtuna ugu halliganto.

Culumadan ayaa sheegay iney Saddex Xagalka ku arkeen ceeryaamo sameynaysa dabayllo xawaareheedu gaarayo 106 KM/Saacaddii, taas oo loo yaqaanno “air bombs” bambooyinka haweed sababaya in maraakiibtu quusaan diyaaraduhuna ay soo dhacaan.

Saddex xagalka Bermuda ayaa ku yaalla aagga xuduudda labada gobol ee Florida iyo gobolka Puerto Rico, waxayna soo caanbaxday markii ugu horreysay sanadkii 1950, kadib markii jariidada Associated Press lagu soo daabacay  maqaal uu qoray Edward Van Winkel Jones; kaas oo lagu sheegay in la waayay diyaaradda tirada duulimaadkeedu ahaa No.19, kadibna wararkii ayaa si xiriir ah iskaga soo daba dhacay in diyaarado iyo maraakiib aan lahayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, wixii markaa ka dambeeyay aad la isku weydiinayay hal-xiraalaha ku duugan Saddex Xagalka Bermuda.

Culumadan cilmi barista sameysay ayaa aaminsan in dabeylaha xooggan ee ay ogaadeen ay tahay sababta ka dambeysa in la waayo maraakiib iyo diyaarado Saddex Xagalka ku maqan, waxa uuna ku yaalla waqooyi-galbeed ee Badweynta Atlantic-ga, iyadoo aagga uu ku fadhiyo lagu qiyaasay Nus Milyan Kiiloomitir, sidaas oo kale culumadu waxay ogaadeen in ‘bambooyinka hawada ka sameysmaa’ ay sameeyaan hirar badeedyo gaaraya illaa 13 mitir.

Bambooyinka hawada ka sameysmaya ayaa abuuraya qaraxyo aad u xooggan oo sababaya in uu markabku rogmado, diyaaraduhuna ay soo dhacaan, iyadoo dabaysha noocan oo kale ah aan meel kale lagu arkin oo dunida ah.

Saddex Xagalkan ayaa ah mid ay ku maqan yihiin dad kumanaan gaaraya, halka ay ku dul burbureen 75 diyaaradood iyo maraakiib boqaal ah,  inta lagu guda jiray boqolkii sanno ee lasoo dhaafay.

Goobjoog News