U bood dhigaalka

Leego: Duqeyn Loo Geystay Xeryaha AMISOM

Sheeko:Dalka

Kooxo looga shakinsan yahay xarakada Al shabaab ayaa weerar madaafiic ah xalay ku qaaday deegaanka Leego oo ka tirsan Shabeellada Hoose.

Qaraxyada ayaa lagu soo tuuray xarun ay deggan yihiin ciidamada AMISOM, waxaana laga maqlay inta badan magaalada, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Dadka ayaa sheegaya in inta badan madaafiicda ay ku dhaceen xarunta agteeda, laakin ma sheegin wax khasaare ah oo duqeynta ka dhashay.

Goobjoog News