U bood dhigaalka

Libya: 33 Qof Oo Ku Dhimatay Qaraxyo Ka Dhacay

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 33 qof ku dhimatay halka 50 kale ku dhaawacmeen  labo qarax oo ka dhacay meel u dhow masjid ku yaallo magaalada Benghazi, ee bariga dalka Libya.

Dadka waxyeellada soo gaartay waxaa ka mid ah saraakiil sare oo ciidamada ka tirsan, dadka dhaawacyada ah ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka magaalada, waxaana ku jira dadka dhintay ciidamo millatari ah.

Qaraxyo ceynkaan oo kale ah horay ayey uga dhaceen dalka Liibiya balse labadii qarax ee ugu dambeysay kalana dambeeyay muddo 15 daqiiqo ah cidna ma sheegan mas’uuliyadooda. Dadka inta badan waxyeellada ay soo gaartay ayaa u badan rayid.

Liibiya ayaa waxaa ku jirtaa fowdo tan iyo markii uu bilowday kacdoonkii lagu riday korneyl Mucamar Al-qadaafi sanadkii 2011 kii.

Waxaa jira loolan u dhaxeeya kooxaha hubeysan ee kala duwan gacantana ku yaha dalka,arrintaan ayaa sidoo kale waxaa ay suurto galisay in ururka daacish uu iska ballaariyo Libya.

Goobjoog News