U bood dhigaalka

Libya: Amarro Lagu Soo Rogay Dadka Wax Tahriibiya

Sheeko:Dalka, War

Madaxda Libya ayaa waxa ay soo saareen 205  amarro, kuwaasi oo lagu joojinayo dad Libya u dhashay iyo kuwo ajaanib oo lagu tuhmayo in ay garab ku leeyihiin shabakadaha wax u Tahriibiya qaaradda Yurub.

Dadkan ayaa waxaa ka mid ah eedeymaha loo jeediyey ka ganacsiga dadka, jirdil, dil iyo kufsi.

Kooxahan wax tahriibiya ayaa waxa ay is kugu jiraan ciidamada amniga Libya, mas’uuliyiinta xeryaha muhaajiriinta iyo mas’uuliyiinta safaaradaha Africa ee Libya ku yaallo.

Libya ayaa waxa ay ka cabaneysaa xasilooni darro tan iyo markii nidaamkii Korneyl Mucamar Al-qadaafi la tuuray sanadkii 2011.

Wixii intaasi ka dambeeyay Libya ayaa isku badashay goobta ugu weyn oo ay ka baxaan Tahriibayaasha Africa, kuwaas oo doonaya in ay gaaraan Yurub iyaga oo maraya badda dhexe.

Goobjoog News