U bood dhigaalka

Libya: Doorashooyinka Madaxtinnimo Iyo Kuwa Baarlamaaniga Ah Oo Laqabanayo Bisha December

Sheeko:Dalka

Dhinacyada Libya ee tartamaya ayaa ku heshiiyey in la qabto doorashooyinka  madaxtinimo iyo midda Baarlamaaniga ah bisha December ee soo socota.

Sida ay ku soo saareen war-murtiyeed afar wafuud ah oo ka qeyb-galay kulanka ay marti-gelisay Paris ee caasimadda Faransiiska, waxaa lagu heshiiyey in la dajiyo asaaska dastuurka doorashooyinka iyo sharciyada la xiriirka inta lagu guda jiro bartamaha bisha September ee soo socota.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid Taariikhi ah, isaga oo hoosta ka xariiqay in ay tahay tallaabo asaasi ah oo loo qaaday dhanka dib u heshiisiinta.

Qaramada midoobay ayaa ku bixineyso dadaallo sidii ay u soo laaban laheyd midnimadii Libya, taasi oo ka cabaneyso Fowdo amni iyo mid siyaasadeed muddo sanado ah.

Tiro dowlado ah ayaa u arka in xasiloonnida Libya ay tahay muhiim si looga hortago argigixisada iyo in laga hortago socdaalka sharci darrada ah kaasi oo dadka muhaajiriinta ah ee doonaya in ay Yurub gaaraan u soo mara Libya.

Goobjoog News