U bood dhigaalka

Libya: Soomaali Wax Ku Noqotay Gaari Tahriibayaal Saarnaayeen Oo Geddoomey

Sheeko:Caalamka

Sida ay baahisey Wakaaladda Wararka ee Reuters, gaari ay ka buuxeen dad tahriibayaal ah oo Afrikaan ah ayaa maanta ku geddoomey waddanka Libya. 

 

Meesha uu shilkani ka dhacay ayaa waxa ay masaafo yar u jirtaa magaalada Bani Walid ee dalka Libya. Ilaa hadda, waxa masuuliyiinta dalkaasi soo werinayaan 19 dhimasho ah iyo ku dhawaad 80 dhaawac ah.

 

Dadka shilka gaarigan ku dhintey waxa ay iskugu jiraan Soomaali iyo Eritrean sida laga soo xigtey Milateriga dalkaas. Lama se garanayo tirada Soomaalida ah ee ku dhimatay ama ku dhaawacantay. 

 

Magaalada Bani Walid waxa ay caan ku tahay magafayaasha waddamada jaarka ah ka soo kaxeeya dadka tahriibayaasha ah ee ka soo jeeda waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Africa. Dadkan ayaa dabadeed loo gudbiyaa xeebaha Libya si Italy loogu tahriibiyo.

 

Libya waxa ay caan ku tahay magafayaasha lacagta ka sameeya tahriibinta dadka doonaya inay Yurub u gudbaan. Tahriibayaasha ayaana la kulma jirdil iyo dhibaato badan oo ay u geystaan magafayaasha reer Libya. Beryahan danbena waxa la soo sheegayaa in sidii ay u dhacday dawladdii Qaddaafi ay xaaladda Libya gacanta ka baxday, dadka madaw ee tahriibayaasha ahna la addoonsado iyada oo loo sameeyey suuqyo lagu kala gato. 

 

Soomaalidu waxa ay tan iyo wakhtiyadii uu bilawday tahriibku kow tahay qowmiyadaha ugu badan ee ku le’da Saxaraha Libya iyo weliba badda Mediterranean-ka. Ilaa haddana, dawladda Soomaaliya si buuxda wax ugama aysan qaban dhibaatada tahriibka oo faro ba’an ku haya dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka uga cararaya dhibaatooyinka argagaxisada iyo shaqala’aanta. 

 

Goobjoog News