Liiska Xildhibaanada Aqalka Hoose Ee Beelaha Galmudug
Sheeko:Dalka
Waxaa maanta Cadaado lagu qabtay doorashada aqalka hoose, ilaa 3 Xildhibaan ayey doorteen beelaha dega deegaannada Galmudug si ay uga mid noqdaan Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah.
Hadaba Xildhibaanada ku soo baxay waa sidan:
Kursiga 1aad: waxaa ku guuleeystay, Ganacsadaha ahna Milkiilaha shirkada Diyaaradaha Jubba Airways Saciid Nuur Giriish oo helay 50 cod
Kursiga 2aad: Mahad Salaad ayaa ku guuleystay 40 cod, isagoo noqday mar kale Xildhibaan, waxaa uu ka adkaaday Cabdiqadir Cali Diiriye
Kursiga 3aad: Qaasim Maxamed Jamac ayaa ku guuleystay kursigan kadib markii uu tanaasulay Cabdirsaq Cabdulahi Jaamac.
Wararka doorashada kala soco, Goobjoog News