U bood dhigaalka

Liiska Xildhibaannada Aqalka Hoose Ee Maanta Puntland Lagu Doortay

Sheeko:Dalka

Doorashada Aqalka hoose ayaa maanta dib uga bilaabatay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, Xildhibaanno ay ka mid yihiin aasaasaha Fagaaraha Saadiq Warfaa  iyo haweneyda xuquuqda aadanaha u ololeysa ee Sacdiyo Samatar ayaa lagu doortay.

Liiskan waxaa lagu darayaa ilaa 23 Xildhibaan oo horay ay u doorteen beelaha ku dhaqan Puntlanad.

Xildhibaannada Maanta la doortay:

  1. Sacdiyo Salaad Samantar
  2. Cabdirashid Daahir Gabooye
  3. Maxamed Cabdilaahi Faarax
  4. Sharma’arke Garaad Salmeyman
  5. Dahir Maxamed Muse
  6. Sadak Warfaa
  7. Maxamud Axmed Ciise Maas

Doorashada aqalka hoose ee Puntland ayaa dib loo bilaabay kadib markii ay muddo u xayirneed sababo la xiriira cabasho ay maamulkaas ka qabeen aqalka sare Somaliland.

November, 28, 2016 : War qoraal ah oo soo ka baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu amray guddiga doorashada heer dowlad gobolleed in ay joojiyaan ilaa amar danbe doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka cusub ee federaalka.