U bood dhigaalka

Liiska Xildhibaannada Somaliland Ee Maanta La Doortay, 3 Haween Ah Ayaa Ku Jira Iyo Walaalo Tartamay

Sheeko:Dalka

Doorashasda aqalka hoose ee gobollada waqooyi ayaa dib looga bilaabatay maanta magaalada Muqdisho, ilaa 6 Xildhibaan ayaa la doortay.

Xildhibaannada soo baxay waxaa ku jira Xildhibaanno horay ugu jiray baarlamaanka Soomaaliya sida Cusmaan Cilmi Boqorre iyo Suuri Diiriye Carab

Xildhibaannada Maanta La Doortay Waa:

  1. Ismacil Cabdirahman Sh. Bashir.
  2. Cusman Cilmi Boqorre.
  3. Faatumo Cismae’il  Xussein.
  4. Cabdiraxmaan Axmed Suge.
  5. Khadro Maxamed Tukulle.
  6. Suuri Diiriye Carab.

Arrinta xiisaha lahey halkan waa Cabdirahman Axmed Suge & Maxamed Axmed Suge oo walaalo ah, kana soo beesha Ciise Walaaldoon ayaa tartamay, ninka hore ayaa guuleystay.

Guud ahaan tirada Xildhibaannada ay doorteen ergada Somaliland waa 26 Xildhibaan, 9 ka mid ah waa habeen, waxaa sidoo kale xusid mudan in labo kursi oo doorashadooda dhacday jimcihii la laaley, kuma jirto 26-ka aan kor ku soo sheegney.

Goobjoog News