U bood dhigaalka

Linda Sarsour oo ku Socotaa Wadadii Malcolm X

Sheeko:Dalka

Linda Sarsour waa gabar asal ahaan kasoo jeeda Falastiin, waa Newyorker, waxaa ay ku dhalatay kuna soo barbaartay Brooklyn, waa gabar shaqeysato, sidoo kale waxaa ay u ololeysaa arimaha haweenka, xuquuqul Insaanka iyo la dagaalnak Islaam naceybka(Islamophobe’s).

Linda Sarsour waa Hooyada 3 Caruur ah, waa cod kar, madaxbanaan, waxaa aad looga bartay Magaalada Newyork, iyagoo mar walba garab taagan dadka Muhaajiriinta iyo dadka dulmoon.

Linda waa Maamulaha  Arab American Association ee magaalada New York, Markii Booliiska ay dileen  Mike Brown waxaa ay ka aasaasatay  Muslims for Ferguson si kalsooni ugu abuurto Maslimiinta Mareykanka iyo dadka caadiga ee Mareykanka ah.

Waxaa ay heshay abaalmarino badana sida “Champion of Change” oo ay ka heshay Aqalka Cad,  Abaalmarin ay bixisay  New York City Council’s Shirley Chisholm Women of Distinction Award iyo sidoo kale  the inaugural American Muslim of the Year honor oo ay bixiso the Council on American Islamic Relations.

Linda waxaa ay lacag u uruurisay Kaniisado ku burburay dagaal Madowga iyo Caddaanka ku dhex maray  Ferguson, waxaa la sheegay in ilaa 100 Kun oo Doolar ay uruurisay.

Linda Sarsour dadkoo dhan ma wada jecla, waxaa jira ururo iyo shakhsiyaas ku tilmaamay in ay necebtahay Yuhuudda, lakin Linda arintaas dheg jelaq uma siiso.

Waxaa Taariikhdeda qoray  PBS, Yahoo News, NY1’s One on One iyo  Budd Mishkin iyo xitaa the Guardian., waxaa kaloo ay wax ku qortaa ama ka hadashaa Warbaahinta gudaha iyo Caalamka.

Goobjoog News