U bood dhigaalka

Lithuania Oo Deeq Lacageed U Soo Direysa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha dibadda Lithuania ayaa sheegtay inay EUR 60, 00 ugu talo-gashay arrimaha banii’aadnimada ee dalal badan oo caalamka ah.

Lacagtaas EUR 20, 000 waxaa loo qoondeeyey dalka Suuriya, iyada oo sii marineyso xafiiska UNHCR halka EUR 15, 000 la siin-doono dalka Mali. Soomaaliya waxaa ku soo aadey  EUR 15 kun waxaa loo soo xawili-doonnaa hey’adda cuntada adduunka ee World Food Program.

Lacagta Soomaaliya la siinayo waxaa la sheegay in lagu gargaari-doono 1.67 million oo dad ah, kuwaas oo u baahan cunto, heyso nafaqo-darro.

Waxaa kale oo la sheegayaa in lacag EUR 10,000 ay siin-doonnaa Guatemalan halkaasi oo burkaano waxyeeleysay in ka badan 1.7 million oo dad ah.

Sanadkan lacagta ay Lithuania horay ugu bixisay dalalka Ukraine, Yemen, Syria, Somalia, Mali, Guatemala, Palestinian iyo hey’adda UNHCR waxaa lagu qiyaasay EUR 245, 000.

Goobjoog News