U bood dhigaalka

Liverpool Oo Markii 6aad Hanatay Koobka UEFA Champions League

Sheeko:Dalka

Kooxda laga leeyahay Ingiriiska ee kubadda cagta ee Liverpool ayaa xalay markii 6aad ku guuleysatay koobka horyaallada Yurub ee loo yaqaan UEFA Champions League.

Cayaar aad u xiiso badan oo ka dhacday Wanda Metropolitano stadium ee magaalada Madrid, waxaana 2-0 ku badiyey naadiga  Liverpool oo ay goolasha u kala dhaliyeen Maxamed Salaax iyo Divock Origi .

Waa koobkii 6aad oo noocan oo ay hesho Liverpool, horay waxaa ay ugu guuleysatay Istanbul, 2005, sidoo kale Rome, 1977 iyo 1984, aan raacinno Wembley, 1978, iyo Paris, 1981.

Marka koobkan laga hadlayo waxaa ka horeeya kooxda  Real Madrid oo heysata 13 iyo Milan oo 7 ah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir