U bood dhigaalka

Lix Faa’ido Oo Karootada Laga Helo

Sheeko:Caafimaadka

Karootada  waxay ka mid tahay cuntooyinka ugu muhiimsan uguna caafimaadka badan waxaa ku jira  curiyaal aad u sareeyo wax tarkooda  sidoo kale  waxaa ku jira maadooyin aad muhiim jirka ugu ah sida fatamiino iyo macdan  waxay leedahy faa’idooyin dhowr waxaana ugu muhiimsan.

1: Karootada iyo aragga: waxay xoojisaa aragga , waxayna wanaajisaa arraga sidoo kale waxaa ku jira maado la dhaho fatamiin A kaas oo u wanaagsan Isha ama Indhaha.

2: Karootada iyo beerka: karootada waxay ka shaqeysaa iney beerka ka ilaaliso  waxyaabaha sunta ah oo ka dhasha maadooyinka kiimikaalka ah kuwaas oo inta badan laga helo  deegaanka, waxayna kaalin weyn ka qaadataa  iney jirka ka nadiifiso waxyaabahaas suntan ah oo laga helo deegaanka.

3: Kahortag: karootada waxay xoojisaa inuu jirka iska digfaaco ama uu ka hortago cudarrda  baaritaano la sameeyey ayaa waxay muujinayaan  iney karootada laga dhex helo maado la dhaho  Albuuli Istiiliin taasoo  u diido unugyada jirka inuu ku dhaco  kansar ama uu ku dhex koro unugyada jirka.

4: karootada: waxay la dagaalantaa cudurada ku dhaco wadnaha iyo xidida jira ama tiiftaafyada karootada waa daawo axaana lagu daaweeyaa dadka qabo cudurada  dhiig karka iyo kuwa ku dhaco wadnaha sidoo kale waxay yareysaa karastaroolka  waxayna yareysaa cudurka wadna  istaagga.

5:Karootada: waxay caafimaad u tahay Afka  waxayna afka ka ilaalisaa inuu ciradka uu jirado sidoo kale waxy ka qeyb qaadataa nadiifinta ilkaha.

6:Karootada:  waxay caafimaad u tahy maaqaarka jirka iyadoo la eegayo maadooyinka fatamiinka ah eek u jira ayna la dagaalanto aashitada waxay maqaarka jirka ka caawisaa iney ka difaacdo falaaraha qoraxda ku waas oo jirka