U bood dhigaalka

Lix Ruux Oo Maanta Lagu Dilay Duleedka Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dabley hubeysan ayaa maanta waxay Lix qof oo shacab ah ku dileen inta u dhaxeysa deegaannada Siinka Dheer iyo Ceelashada Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in gaari ay la socdeen dadkaan lagu horjaray gaari kale, waxaana lagu furay rasaas iyadoo sidoo kale ay dhaawacmeen Labo ruux kale.

Dhammaan dadka dhintey ayaa la xaqiijiyey iney dhammaantood ehel ahaayeen, waxaana dilka ka dib goobta ka baxsaday raggi falkaasi ka dambeeyay.

Mid kamid ah ehlada dadkaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay dadkaan ay u socdeen iney soo gutaan tacsi, balse ay arrintani qabsatay.

“Lix ayaa dhimatay Labana waa dhaawac, gaaarigii ay saarnaayeen ayaa gaari lagu horjaray, rasaas badan ayaana lagu furay”

Lama oga weli cidda ka dambeysa falkaan, dowladda federaalkana wax war ah weli kama aanay soo saarin.

Goobjoog News