U bood dhigaalka

Lix Sano Ka Dib Turkiga Oo Yurub U Dhoofinaya Ukunta

Sheeko:Dalka

Tiro ka mid ah dowladaha Yurub waxaa ku faafay Ukun la sheegay inay wasaqeysantahay, Turkiga ayaa bilaabay markii ugu horreysay muddo laga joogo 6 sano inuu Ukunta u dhoofiyo dowladaha Yurub.

Xuseen Sanguur, oo ah xoghayaha guud ee soo saarayaasha Ukunta ayaa sheegay in Turkiga uu soo saaray sanadkii tagay ee 2017 illaa 19.5 Bilyan oo Ukun ah, waxaa uu intaasi ku daray in waxyaabaha uu dhoofiyo Turkiga ay sare u kaceen  30%, marka lala barbar dhigo sanadkii 2016, waxyaabaha uu la soo dago Turkiga waxay gaareen 377 Milyan oo doolar.

Dowladaha Jarmalka, Belgium-ka iyo Netherlands ayey ku faaftay Ukunta wasaqeysan bilowgii bishii September 2017,  waxayna gaartay in ka badan 20 dowladood oo ka tirsan qaaradda Yurub.

Sida ay muujisay hay’adda Tirokoobyada ee Turkiga,Turkiga ayaa kaalinta labaad ku jiray sanadkii 2014 dhoofinta Ukunta,waxayna dhoofisay inta lagu guda jiray isla sanadkaasi Ukun dhan 400 Milyan oo doolar.

Goobjoog News