U bood dhigaalka

Lix Xildhibaan Oo Maanta Lagu Doortey Kismaayo

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Kismaayo waxaa maalintii Labaad ka dhacday doorashada xubnaha aqalka Hoose, iyadoo ergada wax dooraneysa ay maanta doorteen Lix mudane.

Kuraasta maanta la doortey waxaa u taagnaa musharraxiin dhowr ah, iyadoo kuraasta Lixda ah ee maanta la doortey Labo kamid ah loo doortey haween.

Mudanayaasha guulesytay ayaa sidan usoo kala baxay:-

Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo helay 51 cod

C/qaadir Sheekh Cali oo helay 50 cod

Farxiyo Xasan Axmed oo heshay 38 cod

Sacdiyo Muuse C/laahi oo heshay 31 cod

Cismaan Ibraahim oo helay 49 cod

C/raaxmaan Kumiye Xirsi 48

Mudanayaashan aqalka hoose ee maanta la doortey ayaa waxay ka dhigayaan tirada guud ee xildhibaannada aqalka hoose kaga soo aadey 13, kadib markii shalay magaalada Kismaayo lagu soo doortey 7 xildhibaan, waxayna doorashada tahay mid socota, iyadoo sidoo kale maalinta berri ah Kismaayo lagu dooran doono mudanayaal kale.

Doorashada aqalka hoose ayaa sidoo kale maaalintii Labaad ka socota magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Goobjoog News