U bood dhigaalka

London: Weriye Yoonis Cali Nuur Oo Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Allaha u naxariistee waxaa magaalada London, ee dalka Ingiriiska  ku geeriyooday Yoonis Cali Nuur oo ahaa Saxafi in badan ka soo shaqeeyay BBC,

Yoonis waxaa uu yaraantiisa wax ku soo bartay dugsi sare Camuud, waxaa uu wax badan ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho iyo BBCda laanta afka Soomaaliya.

Yoonis Cali Nuur, sidoo kale waxaa uu ahaa tababare ama macalin xagga saxaafadda ah oo, oo dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayuu wax baray.

Goobjoog News, waxaa ay qoyskiisa iyo umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeyneysaa geeriga weriye Yoonis Cali Nuur.

Goobjoog News