U bood dhigaalka

Lonodon : 12 Qof Oo Ku Dhimatay Dab Ka Kacay Dhismo Weyn

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay dab qabsaday dhismo weyn oo ka kooban 24 dabaq kaasi oo ku yaallo galbeedka magaalada London, ciidamada booliska ayaa waxay sheegeen in khasaaraha uu intaan ka badan karo.

Kooxaha dab damiska ayaa waxay badbaadiyeen ku dhawaad 65 qof kuwaas oo ka mid ahaa dadkii daganaa dhisamaha uu qabsaday dabka, balse duqa magaalada Lonodn Saadaq Khaan ayaa waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda la weysanyahay dad badan.

Kooxaha gargaarka degdegga ah ayaa waxay sheegeen in 68 qof ay u qaadeen lix Ispitaal oo ku yaallo magaalada London 18 qof oo ka mida dadkaas ayaa xaaladdooda ay culustahay .

Ciidamada Booliska ayaa waxay ka codsadeen dadka degan meelaha u dhow dhismaha uu dambka ka kacay inay ka fogaadaan, waxayna xireen dhammaan waddooyinka soo gala goobta.

Goobjoog News