U bood dhigaalka

Ma Dhab Baa In Uu Geeriyooday Mulla Cumar, Hogaamiyaha Dalibaan?

Sheeko:Qormooyin

Inkasta oo ay beenisay xarakada daalibaan geerida Mulla Cumar, ayaa haddana mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Afqanistan iyo Sirdoonka Bakistaan waxay isku raacsan yihiin inuu geeriyooday Mulla Cumar, haddiise ay dhab noqoto inuu geeriyooday Mulla Cumar waxay dhabar jab ku tahay xarakada Daalibaan , siiba wakhtigan adag ee maanta xarakadu marayso , ciidamada Maraykanka waxaa laga yabaa inay dhawaan ka baxaan wadanka Afqanistan iyagoo isku diyaarinaya inay ku wareejiyaan dowladda Afqaanistaan xarumahooda wadankaas, waxaana hadda socda wadahadaladii ka bixintaanka waddanka Afqanistan iyadoo qorshaha ay ku jirto in Daalibaana ay qayb ka noqdaan dowladda dalkaas.

Mullaa Cumar

Mullaa C/Majiid Maxamed Cumar waxa uu dhashay sanadkii 1959kii tuulada la yiraahdo Nuudah kana tirsan Qandahaar, waxa uu kasoo jeedaa qoys faqiir ah illaa iyo hadana aan lahayn dhulyar iyo waliba guri ay leeyihiin oo ay ku noolaadaan , awoowyaashii waxay ahaayeen culumo ku caanbaxay inay masaajidda imam ka noqdaan , isagoo 3 sanno jir ah ayuu geeriyooday Aabihii , aabihiis madi ayuu ku ahaa isaga oo kaliya ayuu dhalay , kadib hooyadii waxaa dumaalay adeerkii Maxamed Anwar, waxayna u dhashay 7 caruur ah dhamaantood way wada noolyihiin , adeerkii ayaa soo barbaariyay kutubta bilowga ahna isagaa u bilaabay , kadib waxay usoo guureen “Bayruut”gobolka Uruzgan ee dalka Afqaansitaan meeshaas oo uu imam Masjid ka ahaa.

Mullaa Cumar Noloshiisu waa ay daahsoontahay mugdi bandanna ku hareeraysan yahay , waxa uu ahaa qof aan jeclayn inuu soo muuqdo, noloshiisa saxafi waligii lamuu kulmin, xataa kamaanuu soo muuqan cajalad CD ah ama kulan lama uu samayn tv, dadka yaqaanaa waxay sheegaan inta badan inuu ku jiro guri yar oo uu maalintii oo dhan Illaahay ku caabudo , dagaalkana waxa uu ku ahaa dagaalyahan aad u yaqaana dagaalka iyo tabihiisa , waxa uu kusoo caanbaxay dagaalkii lala galay midoowgii Soviet-ka sanadihii 1980-maadkii, waxaanuu ku waayay ishiisa midig dagaalka markii uu firir kasoo gaaray dhaawacaasi.

Haddii la xaqiijiyo dhimashadiisa ama ay dhabowdo sida ay hadda ku andacoonayaan xukuumadda Afqanistaan iyo Sirdoonka Bakistan , waxaa daalibaan soo gaaraya dhabar jab aad u wayn, waxa uu ahaa qofka kaliya ee ka shaqeeyay inaanay daalibaan burburin oo aanay kala qaybsamin, dhinacyada kala duwan ee Daalibaanna isagaa isku hayay, haddii uu meesha ka baxanay waxaa la leeyahay waxay soo noolaynaysaa kala qaybsanaantii xarakada gudaheeda ka jirtay , gaar ahaan khilaafaadka u dhexeya labada garab ee ay u qaybsan tahay hadda kooxda daalibaan ,garab yadaa oo isku haysta arrin sharci ah gaar ahaan in heshiis nabadeed lala furo xukuumadda hadda dalka maamusha ama wada hadal lala furo Doladda Maraykanka.

Waxaa kaloo la isku haysta qaabka loola dhaqmayo Carabta jihaad doonka ah ee Afqanistaan joogta iyo Al-Qaacidda. Labo fikradood ayaana la’isku hayaa oo ay kala qabaan labo qeybood.

Qaybta 1aad | waxaa hogaaminaya Mullaa Cumar waxayna doonayaan in la sharfo dadkaa carabta ah Marti inay yihiinna loo tixgaliyo iyo inay na garab siiyeen wakhtigii aan garabka u baahanayn ee dagaalkii “Soviet-ka” akhaaqda Muslimkana kama mid aha in dadkaa la eryo oo la cayriyo.

Qaybta 2aad | Al-Qaacidda dhibaato ayay ku yihiin Afqaanistaan iyo xarakada Daalibaanna labadaba, waxayna dhibaato ku yihiin “Imaarada Islaamiga ah” , waxayna inoo horseedayaan dagaal aan dhamaanayn inaan lala sii wado Dowladda Maraykanka oo iyaduna kaalin Mugleh ku lahayd sidii looga adkaan lahaa Soviet-ka , sidaa daraadeed waxaa waajib ah in dadkaa la iska fogeeyo wadankana laga fogeeyo .

Mullaa Cumar kooxda labaad aad ayuu ula dagaalamay isagoo garab u ahaa Carabta iyo ajaaniibta ka dagaalama gudaha Afqaansitaan, waxaa uu diiday inuu Cusaama Bin Laden u dhiibo dowladda Sucuudiga , waxaa uu soo eryay Amiir Turki Al faysal oo ahaa madaxa Sirdoonka wadanka Sucuudiga Afqaanistaana u joogay wada xaajoodka sidii gacanta loogu soo galin lahaa Cusaama Bin Ladin , Amiinku waxa uu ka dagay Qandahaar isagoo saaran diyaarad khaas ah , waliba Amiirku waxa uu wakhtigaa waday balan qaadyo in la ictiraafi doono , Qaramada Middoobayna laga siin doono kursi, waxaa intaa usii dheerayd Malaayin Doolaar oo kaalmo ah.

Amiirku markuu wax jixinjix ah ka waayay Mullaa Cumar , wuxuuna ku hanjabay inuu ka qoomamayn doono arinkaa hadaanuu soo gacan galin Sheekh Cusaama Bin Ladin oo markaa lagu eedaynayay inuu qarxiyay safaaradihii Nairobi iyo Daaru-Salaam, laakiin Mullaa waxa uu ku adkaystay inaanuu marna dhiibi doonin Bin Laadin , Amiirku isagoo caraysan ayuu ka soo duulay wadanka Afqaanistaan .

Markii ugu horeysay ee ay soo shaac baxday inuu Mullaa geeriyooday waxay ahayd bil iyo xoogaa yar muddo laga joogo , markii ay codsadeen qayb kamid ah Daalibaan oo uu ugu horeeyo Mullaa Abu-Daaluut Al-khuraasaani kana tirsan golaha shuurada ururka ,in Mullaa Cumar inuu Vedio soo duubo uu ku cadaynayo inuu noolyahay , haddii ay sidaasi dhici waydana inay samaysan doonaan khaliif cusub oo u badala Mullaa Cumar.

Waxaanse lagu dagdagi karin in la yiraahdu Mullaa wuu geeriyooday , sababtoo ah waxaa dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah looga bartay sida caadada ah inay soo saaraan bayaan cad geeri kasta oo ku timaadda hogaamiyayaashooda iyagoo hirgalinaya axkaamta shareecada ee arinkaa ka tarjumaysa sababo la xiriira dhaxalka iyo xaqa ay leeyihiin xaasasku ragoodana ay ku leeyihiin , sidaa daraadeed Al-Qaacidda waxay ku dhawaaqday isla markiiba in la dilay hogaamiyahoodii Ibnu-laadin.

Ugu dambayn haddii la hubiyo inuu dhintay Mullaa Cumar waxaa ku dhici doonta xarakada Daalibaan sida la qiyaasayo burbur Xoogan iyo kala qaybsanaan , waxaana laga baqdin qaabaa inay la midoobaan ururka ka dilaacay bariga dhexe ee daacish oo calinkiisu uu babanayo.

W/D Khadar Xuseen