U bood dhigaalka

Ma Dhabbaa In Sicir Barar Uu Ka Jiro Magaalada Boosaaso Ee Bari?

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warar soo baxay maalmahan oo sheegayey in sicir barar uu ka jiro magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog ku sheegay in aanay jirin wax sicir barar ah,  islamarkaana shaqada dekadda Boosaaso ay caadi kusoo laabatay oo wax shaqo joojin aysan jirin.

Waxa uu wasiirka tilmaamay in laga been abuuray Boosaaso, amni ahaan degan tahay, suuqayadana si caadi ah wax looga iibsanayo oo aanay jirin sicir barar.

Wararkaasi ayuu sheegay iney faafiyeen dad uu ku eedeeyay iney diidan yihiin horumarka iyo nabadgalyada Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Adeer Boosaaso wax sicir barar ah  oo ka jira ma jiraan, dekadda waa ay shaqeyneysaa, waxaa wararkaa faafinaya dad diiddan horumarka iyo deganaanshiyaha Puntland”

Dekadda Boosaaso ayaa hadda si KMG ah u shaqeyneysa, kadib muran soo kala dhexgalay shirkadda DP World ee dekadda maamusha iyo sidoo kale ganacsatada Puntland.

Goobjoog News