U bood dhigaalka

Ma jiro Qodob Dastuuri ah oo Muddo u Cayimaya Soo Magacaabista Raiisulwasaaraha

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta ayaa laga joogaa 30 maalin markii xilka laga qaaday ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali kheyrre waxaana la sugayay in Madaxweyne Farmaajo soo magacaabo ra’iisul wasaare soona dhisa xukuumad sii wadda hawlaha dowladda inta ka dhimman muddo-xileedka dowladda nabad iyo nolol.

Inkasta oo bil dhammaatay hadana, madaxweynaha waxaa uu heystaa waqti furan, mana jiro qodob dastuuri ah ama ku cad xeer hoosaadka golaha shacabka oo sheegaya ama xaddidaya maalmaha uu u baahan yahay madaxweynaha si uu u soo magacaabo wasiirka koowaad ee xukuumadda, keliya waxa uu dastuurku sheegayaa in madaxweynuhu awood u leeyahay magacaabista iyo kala dirista wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Dastuurka ku meel gaarka ah qodobkiisa 90aad xilka iyo awoodaha madaxweynaha faqradiisa koowaad xarafka (d) ayaa u dhigan “wuxuu magacaabayaa xilka wasiirka koowaad wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa xukuumadda federaalka haddii ay waydo codka kalsoonida golaha shacabka ee baarlamaanka federalka ah oo ah cod hal dheeri ah (50% + 1)”.
Dhanka kale xeer hoosaadka golaha shacabka kuma cadda muddada uu madaxweynaha ku soo magacaabayo ra’iisul wasaaraha.

Marka laga hadlayo Codka Kalsooni Kala Noqoshada Xukuumadda Xeer hoosaadka golaha shacabka qodobka 54aad faqrada 12’aad ayaa u qoran sida tan “Hadii mooshinka la ansaxiyo Guddoomiyuhu waa in uu ku wargeliyaa Madaxweynaha natiijada codeynta, si uu u fuliyo waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saaran, Sida ku cad qodobbada 90aad iyo 103aad ee Dastuurka”.
Dad badan ayaa aamminsan in madaxweynuhu heysto 30 maalin soo magacaabista ra’iisul wasaare mise jirto meel ay kaga qoran tahay xeerarka iyo dastuurka dalka, intaa waxaa dheer ma jiro hannaan cad oo loo marayo haddii madaxweynuhu ku adkeysto inuusan soo magacaabin ra’iisul wasaare ama la daaho.

Xeer hoosaadka golaha shacabka ayaa cayimaya mudada lagu soo dhisayo golaha wasiiradda xukuumadda marka uu helo ra’iisul wasaaruhu codka kalsoonida golaha shacab ka, qodobka 51aad ee xeer-hoosaadka golaha shacabka ayaa u qoran “Ra’isul-wasaaruhu markii uu helo codka kalsoonida Golaha Shacabka, waa in uu hor-keeno liiska Golihiisa Wasiirrada iyo barnaamijka xukuumaddiisa muddo aan ka badnayn soddon (30)- cisho, si Goluhu u siiyo kalsoonida codeyn gacan-taag ah oo aqlabiyadda guud (50%+1) ee tirada Golaha”.
Guddoonka golaha shacabka ayaa 25 July 2020 warbaahinta u sheegay in kalsoonida la gala noqday xukuumadda uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxuuna u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmajo inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub oo gaarsiiya dalka doorasho.

Isla maalintaa waxaa war ka soo baxay xafiiska madaxweynaha lagu yiri “ Madaxweynuhu wuxuu muhiim u arkayay midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda aan ku jirno, balse asagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, tixgelinayana awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka, wuxuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka”.
Madaxweyne Farmaajo ayaa isla maalintaa aqbalay ceyrinta Kheyre waxa uu xilka ra’iisul wasaaraha si ku meel gaal ah u magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeenkii xukuumaddi golaha shacabka kalsoonida kala noqday Mahdi Khadar Guuleed.

Sharciyaqaano iyo xeel-dheerayaal siyaasadeed waxay ku tilmaameen sharci daro aan waafaqsaneyn dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha shacabka in la magacaabo siihaye ra’iisul wasaare.

Dib u milicsi aan ku sameynay dastuuradii iyo axdiyadii ku meel-gaar ka ahaa ma jiro sharci ama axdi sheegaya muddo ama ku qasbayay madaxweynaha inuu muddo kooban ku soo magacaabo wasiirka koowaad ee dalka.

W/Q/ Xasan Maxamuud Maxamed.

Goobjoog News