U bood dhigaalka

“Ma Jirto Sabab Aan Dalka Uga Saareyno Wakiilka Jabuuti Ee Somaliland” Sidaasi Waxaa Yiri…

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir loona yaqaan Faratoon ayaa ka hadlay warar maalmahan dambe la isla dhexmarayey oo ah in Somaliland ay iska erin doonto wakiilka Jabuuti u fadhiya magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa shegay in aanay jirin dacwad uga timid Faysal Cali Waraabe oo ku aaddan safiirka, sidaasi darteedna aanu jirin sharci ay ku eryaan wakiilka Jabuuti.

“Haba yaraate wax dacwad ah oo   ka dhan ah Faysal iyo Wakiilka Jabuuti ee Somaliland oo Xukuumad ahaan na soo gaaray ma jiraan, labada dhinac iyo dhinaca kaleba midna kama hayno wax dacwad ah” ayuu yiri wasiir Faratoon oo la hadlay wargeys lagu magacaabo Geeska Afrika.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Faysal wuu hadlay wuxuu ku hadlayeyna waa la arkaayey, Wakiilku wax dambiya muu galin, sabab dalka aanu uga saarnaana ma jirto, kama saarayno, ee waxaa haboon in dacaayadaha la joojiyo, oo wixii khalad ah la joojiyo, umaddana yaan la khaldin, oo yaan wax kasta la buun-buunin”.

Mar uu ka hadlay xiriirka Jabuuti iyo Somaliland waxaa uu yiri  “Jabuuti waa dal aynu jaar nahay, waa dal aynu walaalo nahay, waa dal aynu isku diin nahay, waa dal aynu isku dhaqan iyo isku afba nahay, wax badan baa inaga dhexeeya, xidhiidh ganacsi, xidhiidh nabadgalyo iyo xidhiidh iskaashi baa inaga dhexeeya, xidhiidhkii wacnaa ee hore inooga dhexeeyayna xidhiidh ka sii wanagsan baa hadda inaga dhexeeya, markaas dalka Jabuuti maaha dal inoo cadaw ah”.

Goobjoog News