U bood dhigaalka

Maalinta Afka Hooyo oo Dunida Laga Xusay

Sheeko:Dalka

Maanta waxaa dunida looga dabaal degayaa Maalinta Afka Hooyo, waxaa hal ku dheg looga dhigay sanadka sinaanta xagga waxbarshada iyo luqadaha ay u sinaadaan gabdhaha iyo wiilasha iyo in  carruurta inta ay yar yihiin la baro afka hooyo, qoraal iyo ku hadalba, lana ilaaliyo hidaha iyo dhaqanka uu afka leeyahay.

Maalinta Caalamiga ee Afka hooyo waxaa la isku raacay shir ay qabatay UNESCO) November 1999, Waxaana wixii sanadkii 2000 ka dambeeyay la bilaabay in maanta oo kale caalamka laga xuso  maalinta afka hooyo.

Soomaaliya waxaa laga xusaa Maalinta afka hooyo January 21, iyadoo la xuso sanad waliba wixii ka dambeeyay 1973-dii, markaas oo aheyd markii uu soo baxay Wargeys Afka Soomaaliga ku qoran, manhajkana lagu qoray farta Soomaaliga.

Afkeena Soomaaliga waxaa uu ku jiraa afafka loo cabsado waayo  in ka badan 3 Milyan oo Soomaali ah ayaa dibadda aaday mudadii dagaalada sokeeye, waxaa khatar ku jira carruurta ay dhaleen oo laga yaabo in aanay ku hadlin afka Soomaaliga.

Gudaha Soomaaliya waxaa Farta Soomaaliga heysto dhibaato kale, xilligan dhammaan Iskuulada iyo Jaamacadaha dalka waxaa wax lagu dhigaa afaf qalaad, haddii arrintaas ay sii socoto waxaa ay dhibaato u keeni kartaa qoraalka Soomaaliga.

Dowladda iyo dhammaan bulshada waxbarashada ku jirta waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan qorshe lagu dhiirigelinayo Afka Hooyo, taas oo ka duwan midkii boorarka lagu burburinayey ee gobolka Banaadir, waayo boorar la burburiyo wax sooma kordhineyso.

Sanadkii hore February 21, 2015: Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Djabuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa Muqdisho ku dhagax dhigay xarun goboleed lagu hormarinayo luqadda iyo dhaqanka Somaliweyn, Waxaa  loogu Magac daray Akaadimiyad Goboleedka Farta Soomalaiga, Xasan Sheekh ayaa maalintaas sheegay in arrintaas lagula tartami doono luqadaha caalamka.

Isla sanadkii hore Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amar ku bixiyay in dowladda iyo xafiisyadeeda ay ku wada xiriiraan qoraalka Soomaaliga, arrintaa waxba lagama soo qaadin, todobaadkii tagay iyo sheekadii boorarkana waad ogtihiin wixii ka dhacay, Marka ma jiraa qaab kale oo lagu badbaadin karo Afka Hooyo?