U bood dhigaalka

Maalinta Aragga Oo Laga Xusay Muqdisho

Sheeko:Caafimaadka

Waxaa maanta Muqdisho laga xusay maalinta arraga adduunka, iyadoo kulan ka dhacay magaalada looga hadlay dhibaatooyinka heysta dadka aragga la’a.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay wasiirka dib u dhiska, Safiirka UN-ka ee Soomaaliya, safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya, Yusuf Garaad, Wasiirkii hore warfaafinta Dhuxulow, Xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir, Sheekh Bshir Axmed Salaan oo ah guddoomiyaha cullimada iyo mas’uuliyiin kale.

Maalinta aragga adduunka waa maalin loo dabaal dago iyo oo ka qeyb kaato dabaal dagga maalintaan dadka araga la,a,  waa maalin sanada walba loo dabaal dago iyadoo diirada lagu saaro wacyi galinta  dadka aragga la’a.

Maalinaan waxaa loo dabaal degaa sanad walba Khamiista labaad ee bisha octobar iyada oo xooga lagu saaro in bulshada la wacyi galiyo bulshada cudurkaan lanool iyo sida loo daaweyo iyo waxyaabaha looga hortago.

Dadka  aragga la’a  ayaa waxaa lagu qiyaasaa inay gaarayaan sanadkii  7 malyan oo qof hal malyan iyo bar waa caruur waxayna waayeen aragooda .

Haweenka ayaa ka mid ah dadka iyagu ka cabanayo aragg la,aanta waxaa lagu qiyaasaa haweenka aragg la,anta ah oo dunida ku nool iney yihiin boqolkiiba 6o%.

Dadka ka cabanaayo xanuunka arrag la,aanta boqolkiiba 90% waxay ku nool yihiin wadamada ay hooseeyaan daqligooadan,sidoo kale waxaa lagu qiyaasaa dadka qaba cudurkaan 285millyan oo qof kuwaas oo 39millyan oo kami ah qaba cudurka weershaha.

Siyaabaha looga hortiga karo cudurka arrag la,aanta.

Cudurkan arrag la,aanta ayaa ah mid ay ka cabanayaan dad fara badan oo dunida ku nool hadaba waxaa jira wadooyin iyo talooyin wanaagsan oo laaga hortagi karo cudurkaan waxaana ka mid ah .

1 qofka inuu ku dadaalo nadaafaddka jirkiisa taasoo ka kaalmeyneysoo iney ishiisa ay ka dhowrsanaato cuduro fara badan.

2 inuu qofka uu ka fogaado inuu isticmaalo biyaha wadooyinka fariisata uusan ku dhaqan wajigiisa kuwaas oo waxyeelo gaarsiin kara indhihiisa biyahaas oo jeermis faro badan ay  ka buuxaan.