U bood dhigaalka

Maalinta bani’aadannimada adduunka oo maanta la xusayo

Sheeko:War

Iyadoo maanta ay ku beegantahay maalinta bani’aadannimada adduunka ayaa war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska isku xirka arrimaha bani’aadannimada ee qaramada midoobay ee magaciisa loo soo gaabiyo (UNOCHA) lagu sheegay in munaasabadda maalintan darteed mar kale la cusboonaysiinayo sida ay qaramada midoobay uga go’an tahay dedaallada ku aaddan naf-badbaadinta, iyada oo la xusuusanayo dhammaan kuwii naftooda ku waayay xilligii ay ku guda jireen howsha bani’aadanimada.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in todobaadyadii la soo dhaafey tobaneeyo ka tirsan shaqaalaha bani’aadamnimada oo ay ka mid yihiin kuwo la shaqeeya qaramada midoobay ay naftooa ku waayeen dalka koonfurta Suudaan  iyo Gaza (Falastiin) iyadoo dad aad u tiro badan ay dhimasho ama dhaawacyo halis ah ka soo gaareen weerarro ku-talogal ah oo lala eegtay shaqaalaha.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobey Ban ki Mon ayaa isagoo ka hadlaya maalintan waxa uu ammaanay hy’adaha gargaarka kaalinta ay ka qaateen badbaadinta kumanaan dad ah oo u baahnaa gargaar deg deg.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in weerarrada loo gaysto shaqaalaha bani’aadamnimada ay caqabad ku yihiin badbaadinta dadka sida aadka ah ugu baahan caawinaadda.

Qaar ka tirsan barakacayaal ku sugan gudaha Muqdisho.
barakacayaal

Hooyo Xaliimo oo kamid ah dadka ku bara kacay gudaha magaalada Muqdisho oo u warantay Goobjoog FM ayaa sheegtay in maanta ay u tahay maalin madow, xilli dadka qaar ay u maleeyaan in maanta oo kale in barakacayaasha ay helaan gargaar fiican.

Qaramada midoobey ayaa dhowaanahan soo saaraysay digniino is daba jog ah oo ay uga hadlaysay qataraha dhanka macluusha iyo abaaraha ee ku soo fool leh Soomaaliya sida ay sheegeen.

Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa 19-kii August sanadkii 2003-dii u asteeyay in maalin walba maanta oo kale la maamuuso maalinta bani’aadannimada adduunka, kadib markii wakiilkii xog-hayaha guud ee qaramada midoobay ee Ciraaq Sérgio Vieira de Mello iyo 21 la shaqeeneysay ay ku dhinteen bambaanooyin lagu weeraray xarunta qaramada midoobay ee magaalada Baqdad ee dalka Ciraaq.