U bood dhigaalka

Maalinta Caalamiga Ee Dhallinyarada Oo Laga Xusay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho Waxaa Maanta lagu qabtay Munaasabada Xuska Maalinta Caalamiga ah ee dhalinyarada Adduunka.

Munaasabada Waxaa ka qeyb galay Ra’isal Wasaare ku xigeenka Dalka, Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, Xubno ka socday ururada dhalinyarada Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah wakiilada beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho.

Mas’uuliyiintii iyo Xubnihii ka socday Ururada dhalinyarada ayaa ka hadlay ahmiyadda maalintaan ay u leedahay dhallinyarada.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa cadeysay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay u diyaarisay qorshe cad oo waxbadan ka bedalaya mustaqbalkooda.

“Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha waxay dhallinyarada Soomaaliyeed u diyaarisey qorsheyaal cadacad oo wax ka bedalaya mustaqbalkooda, dhallinyaradeenna waxaan usoo bandhigeynaa siyaasad qaran oo ah markii ugu  horreysay oo dalka loo dejiyo taasoo aan soo gabagabeynnay, waxbadanna ka tari karta mustaqbalka aayahooda” wasiir Khadiija ayaa sidaasi tiri.

Ra’isal Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed loogu baahan yahay in ay dowladda kala shaqeeyaan nabadeynta dalka, kana raybtoonaadaan tahriibka.

“Waxaynu dhallinyarooy u baahannahay inaan la halganno Saddex shey oo maanta lagu asteeyo dhallinyara, Tahriibka waxaynu u baahannahay inaan fikirno, dhulkeenna tacab gelinno, falanno, beeranno  kalluunka kala soo baxno” ayuu yiri Mudane Mahdi.

Hal ku dhigga sanadkan ayaa waxa uu ahaa dhallinyarada iyo nabadda, wuxuuna hoga tusaalaynayaa sida ay muhiim u tahay in da’yartu ka qayb qaataan geeddiga loogu jiro sidii Soomaaliya ay u heli lahayd nabad lagu nasto.

Goobjoog News