U bood dhigaalka

Maalinta Caruurta: Soomaaliya Oo Caalamka Kaalinta 1aad Uga Jira Caruurta Geeriyoota 5 Sano Ka Yar

Sheeko:Dalka

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hey’adda “Save the Children” ilaa 130 canug oo ka yar da’da 5 sano ayaa geeriyoota kuwaas oo ka mid ah 1,000-kii canug ee ku dhasha gudaha Soomaaliya.

Warbixin la magac baxday “ End of Childhood Report” ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay kaalinta 1aad uga jiro caruurta geeriyoota iyaga oo aan gaarin 5 sano, 132.5 cunug ayaa ka dhimata 1,000 canug ee ku dhalata gudaha Soomaaliya.

Warbixintan oo ku soo aaday maanta oo ah maalinta caruurta adduunka ee June 1, waxaa kale oo lagu sheegay in caruurta Soomaaliya joogta aaney waxbarasho aadin 48.7%  gaar ahaan iskuulka hoose ama sare.

Dunidan in ka badan  1.2 billion ayaa waxaa dhibaato ku haya dagaallo, faqri, takoor loo geysto gabdhaha iyo arrimo kale.

“Caruurta dunidan ku nool waxaa laga xaday caruurnimadooda iyo mustaqbalkooda, waayo faqri ayey ku nool yihiin ama waxaa ay ku koraan goobo dagaal ama xataa waxaa lagu takooraa inay gabdho yihiin” sidaasi waxaa sheegay madaxa Save the Children Carolyn Miles

Warbixintan waxaa kale oo lagu qeexay in caruur ka badan 153 million oo 20 dal ku nool ay dhibaato ka soo gaaraan dagaallada, faqriga iyo takoorka, dalalkaas waxaa ka mid ah South Sudan, Somalia, Yemen iyo Afghanistan.

Goobjoog News