U bood dhigaalka

Maalinta Ciidanka Difaaca Badda Soomaaliya Oo Loo Dabaaldegayo

Sheeko:Dalka

Ciidanka difaaca Badda ee Soomaaliya ayaa maanta u dabaal degaya 53 Sano kadib Markii la aas-aasay.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod ayaa u hambalyeyey  Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta u dabaal degaya Sanadguuradooda 53-aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay taasi oo ah 10-02-1965-kii.

“Waxaan u hambalyeynayaa  Admiraallada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, Munaasabadda Sanadguurada 53-aad ee Ciidanka badda ku beegan” ayuu yiri S/guud Bashiir

Waxaa lagu wadaa in maanta meello kamid ah dalka, sida magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabado lagu weyneynayo maalinta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News