U bood dhigaalka

Maalinta Dabeysha, Bal Wax Ka ogow, Heerka Cudurka Dabeysha Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Maanta waa maalinta caalamiga ah ee cudurka dabeysha,  UNICEF iyo WHO waxaa ay sheegayaan in ay jiraan dadaallo waaweyn oo laga gaaray dhanka cirib tirka cudurka dabeysha gudaha Soomaaliya labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

Inkasta oo  UNICEF, WHO, hay’adaha caafimaadka iyo la-hawlgalayaasha ay si  hagar la’aan ah uga shaqeynayaan si ay u joojiyaan dabeysa oo la xaqiijiyey in ay Soomaaliya ka jirto dabayaaqadii sannadkii 2017 ayaa hadana waxaa ay ka sheeganayaa dhibaatooyin

“Maanta, waxaan wajaheynaa inaan helikarin waddooyin aan ku gaarno caruurta taasoo ay ugu wacantahay ammaan dari, barakac dadweyne oo ay colaaddu sababtay iyo masiibooyin dabiici ah, iyo sidoo kale nidaamka caafimaad oo ah mid liita, kuwaa oo dhammaantood qayb ka noqday in heerka tallaalka caruurta uu hooseeyo,” ayuu yiri Dr. Ghulam Popal, oo ah Wakiilka WHO ee Somalia. Tani waxay keentay soo ifbixida cudurka dabaysha kaasoo ah mid aad u faafa, kuna fida nadaafad xumida. Laakiin qayaaso fudud oo taxane ah oo tallaalka dabaysha ah waxay badbaadin doonaan nolosha caruurta.”

Halkudhiga sanadkan ee ‘Maalinta Dabeysha Adduunka’ waa ‘Tallaabooyin Geesinimo ah oo lagu Dabargoynayo Cudurka Dabaysha’, taasoo dhabtii ah waxa ay Dawlada iyo shaqaalaha caafimaadku maanta sameynayaan: qaadida tallaabooyin geesinimo ah oo lagu xakameynayo cudur dilaacyadan, ayaa xaqiijinaya in dhammaan carruurta ay helaan tallaalka.

Daneeyayaasha Soomaaliya waa kuwo rajo qaba: waxay horay usoo arkeen in cudur dilaaca cudurka dabeysha uu ka joogsaday waddanka, waxayna rumaysanyihiin in mar kale la joojin karo.

“Maalin kasta, shaqaalaha ku sugan goobaha ay adeegyada caafimaad ka socdaan ayaa  aqoonsanaya carruur u baahan in la tallaalo, goobahaas oo ay inta badan degenaansho la,aan daran ka jirto,” ayuu yiri Steven Lauwerier, oo ah Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya. “Waxay garaacayaan albaabada bulshada dhexdeeda, sidoo kalana waxay booqanayaan xeryaha ay daganyihiin dadka gudaha ku barakacay si ay qoysaska u baraan faa’iidooyinka tallaalka dabaysha una bixiyaan talaalka. Kuwani waa halyeeyo aan looga Mahadcelinin dagaalka ka dhanka ah dabaysha.”

Intii lagu guda jiray ololihii tallaalkii ugu dambeeyay, ee lagu qabtay dalka oo dhan horraantii Bishan, Dowladda, oo ay weheliyaan WHO, UNICEF iyo la-hawlgalayaashooda ayaa gaarsiiyay tallaalka afka laga qaato in ka badan 2.6 milyan oo carruur ah. Kooxaha tallaalka dabaysha ayaa u shaqeynaya si adag si ay u hubiyaan in carruurta kuwa ugu nugul in ay ka maqnaadaan tallaalka loogu daro qorshayaasha ololaha soo socda ee waddanka oo dhan ka dhacaya- kaasoo ka socon doona Soomaaliya laga bilaabo 29-ka Oktoobar ilaa 1-da Novembar. Kor u qaadista difaaca guud ee carruurta Soomaaliyeed iyada oo la siinayo qiyaaso badan oo tallaalka cudurka dabeysha ah ayaa ah sida kaliya ee loo joojin karo jeermiga cudurka dabeysha ee hada wadanka ka jira.

Iyada oo qayb ka ah wax ka qabashada cudur-dilaaca, kooxaha ka shaqeeya tallaalka cudurka dabaysha ayaa gaaraya bulshooyinka soomaaliyeed iyo la-howlgalayaashooda si ay uga helaan taageero lagu raadinayo calaamadaha cudurka dabeysha- oo ay kujiraan bilow deg-deg ah oo jilcanaan iyo taagdaro ay ku dhaqaaqaan gacmaha iyo lugaha- ee caruurta ay da,doodu ka yartahay 15-ka sano. Caruurta calaamadahan lagu arko waa in si deg-deg ah loo geeyaa xarunta caafimaad ee ugu dhaw si ay u helaan daryeel waqtigii loogu talo galay ah.

WHO iyo UNICEF waxay ogyihiin in caqabadaha ugu waaweyn ee si buuxda loogu cayminayo tallaalka cudurka dabaysha ay ka mid yihiin hubinta in dhammaan carruurta ka soo jeeda bulshooyinka guurguura iyo kuwa barakacayaasha ah ay ku jiraan qorsheynta yar-yar, hagaajinta nadaafadda guud ee carruurta, iyo gaarista caruurta ku sugan meelaha aan latagi karin.  Suurtagalnimada in cudur-dillaacyada hada jira ee fidinaya Jermiska dabeysha ee tallaalka ka yimid uu ku noolaan karo meelaha ay aadka u hooseeyso in tallaalka laga qaato iyo kuwa ay nadaafad daridoodu sareyso. Sidaas oo kalana, Dowlada, WHO, UNICEF iyo la-howlgalayaasha caafimaadka waxay ku baaqayaan in caqabad la,aan iyo waddooyin ammaan ah la hello si loo awoodo in la tallaalo dhamaan caruurta xaqa u leh ee Soomaaliya gudaheeda ku sugan. Qof kastaa wuxuu leeyahay doorkiisa gaarka ah oo uu ka ciyaarayo dabar-goynta cudurka dabeysha gudaha Soomaaliya.

Goobjoog News