U bood dhigaalka

Maalinta Dhalinyarada Adduunka Oo Maanta Laga Xusay Magaala Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay maalinta dhalinyarada Caalamka, taasi oo mas’uuliyiin badan ay ka qeybgaleen.

Munaasabaddaan waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xubno ka mid ah Labada gole ee dowladda Federaalka, mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobalka Banaadir, Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay, Danjirayaasha ku sugan magaalada Muqdisho qaarkood, ururada dhalinyarada, kuwa Haweenka iyo dadweyne aad u badan.

Munaasabadaasi ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro kala duwan, kuwaasi oo aad usoo jiitay ka qeybgalayaasha munaasabadda, waxaana munaasabaddaasi soo qaban qaabisay wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa halkaasi hadal ka jeediyay mas’uuliyiin aad u badan, waxanaa ugu horeen hadlay Cabdullaahi Shariif Axmed oo ku hadlayay magaca dhalinyarada dhigata Jaamacadaha, isaga oo ku dheeraaday muhiimadda ka dhalinyaro ahaan ay maanta oo kale u leedahay iyo sidoo kale sida ay ugu faraxsan yihiin.

Waxa uu sheegay in Jaamacadaha ku yaalla dalka ay dhigtaan dhalinyaro aad u badan, kuwaasi oo dalka muhiimad gaar ah u leh.

Muno Xasan Maxamed oo iyana ku hadashay magaca gabdhaha dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay garab istaagaan dhalinyarada, islamarkaana laga ilaaliyo wax walba oo dhibaato ku ah.

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada gobalka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan oo ka mid ahaa xubnihii halkaasi hadalka ka jeediyay ayaa isna dhankiisa waxa uu ku dheeraaday ka hadalka maalintaan qiimaha ay u leedahay dhalinyarada caalamka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.

Dhalinyarada gobalka Banaadir ayuu sheegay in ay yihiin kuwo isku xiran, islamarkaana u taagan ka shaqeynta nabadda iyo horumarka.

Dhinaca kale Iimaan Nuur Iikar oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada maamulka gobalka Banaadir oo isna hadal ka jeediyay munaasabaddaan lagu xusayay maalinta dhalinyarada Adduunka ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka dhabeeyaan magacooda, ayna la yimaadaan dadaal xoogan oo dalkooda ku dhistaan.

Munaasabadaasi waxaa sidoo hadal hadal bogaadin ah ka jeediyay safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubbad Rooble oo ku dheeraaday maalintaan qiimaha ay leedahay, sidoo kalena sheegay in si gaar ah uu hambalyo u dirayo dhalinyarada Soomaaliyeed meel walba oo caalamka ay ka joogaan.

Waxa uu sheegay safiirka in hadii ay yihiin dowladda Jabuuti ay kaalin xoogan ka qaadan doonaan horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed, ayna rajeynayaan isbedallo cusub sanadka soo socda.

Wasiiro ka mid ah xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale munaasabadaasi ka qeybgalay, waxaana ugu horeyn dhanka wasiirada hadalka jeediyay wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareey, waxaana wasiirka isna sida mas’uuliyiintii kahoreysa ugu hambalyeeya dhalinyarada Soomaaliyeed maalinta dhalinyarada aduunka.

“Bulsho kasta Horumarkeedi iyo fashilkeeda waxaa mas’uul ka ah dhalinyarada, daraasaad la sameeyayna waxa ay sheegaysaa in 65% ay yihiin dhalinyarada, waxaana ku amaanayaa madaxweynaha inuu aad ugu ololeeyo dhalinyarada Soomaaliyeed in loo dhiibo hoganaka dalka, dhalinyaradana waxaa looga baahan yahay in doorkaasi ay qaataan, ayna soo noqoto nabadda iyo horumarka” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Wasiirka Haweenka iyo hormarinta xuquuqul Insaanka xukuumadda Soomaaliya sahra Cali samatar ayaa iyana hadal kooban oo ay halkaasi ka jeedisay waxa ay sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay inay aragto dhalinyarada Soomaaliyeed oo maanta ka fikiraya dib u dhiska iyo horumarka dalka wixii ka dambeeyay burburka dalka.

“Dhalinyarooy waxaan idiin leeyahay waxaad tihiin mustaqbalkii dalka, waxaan idiin leeyahay idinka ayaan idin ku tashaneynaa, dalkaan maanta idinka ayuu idiin baahan yahay, anaga waxaa waajib nagu ah in wadada wanaagsan idiin horseedno, idinkana fikradaha wanaagsan ayaa la’idinka doonayaa” Wasiirka Haweenka ayaa sidaasi tiri.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo isna ka mid ahaa mas’uuliyiintii halkaasi hadalkaasi ka jeediyay ayaa waxa uu diray hambalyo maalinta dhalinyarada Caalamka.

Waxa uu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo aad u mihiim ah, waxaana uu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay dhalinyaro u badan yihiin, lagana doonayo dhalinyarada in aqoontooda iyo caqligooda dalka ugu faa’ideeyaan.

Ugu dambeyn waxaa goobta ka hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu sheegay in udub dhexaadka dowladnimada ay yihiin dhalinyarad, isaga oo sheegay in dhalinyarada mar walba ay ahaanayso hormuudka iyo horu socodka dalka.

“Dhalinyarada Marwalba waa in ay inoo ahaataa hormuudka iyo hor u usocdka dalka, hadii shalay la yiri dhalinyarada ayaa dalka lagu dumiyay, maantana waxaan ku baaqnay in dhalinyarada ay noqdaan aaladii dalka dhiseysay, ayna soo celiyaan karaamadii iyo kala dambeyntii, illaa ay iska bixiyaan koortii ahayd dalka iyagaa dumiyay, waa run seddax cadow ee dhalinyaradeena maanta haysta ee ah argagaxisa, Burcad Badeedda iyo Tahriibka, waxaan leeyahay dhalinyarada in yar oo ka mid ah ayaa fahamkooda maqan yahay, Burcad Badeedda wey iska dhamaatay, dalkeenana dhaqan uma lahayn waxaasi, dhalinyaradii ku qaldantay argagaxisa wey soo laabaneysaa oo qaarkood waxbay fahmayaan” ayuu yir Madaxweyne Xasan Sheekh.

Munaasabadda lagu maamuusayay maalinta Dhalinyarada caalamka ee ku asteysan 12-ka August, kana dhacday magaalada Muqdisho ayaa kusoo gabagabowday jawi degan.

Halkaan hoose ka daawo sawirada

Sawir Qaade:- Xuseen Maxamed Hadaafow

 

IMG_7539 IMG_7524 IMG_7487 IMG_7472 IMG_8331 IMG_8328 IMG_8327 IMG_8295 IMG_8297 IMG_8304 IMG_8308 IMG_8310 IMG_8319 IMG_8320 IMG_8280 IMG_8275 IMG_8224 IMG_8223 IMG_8216 IMG_8197 IMG_8165 IMG_8053 IMG_8077 IMG_8091 IMG_8093 IMG_8104 IMG_8124 IMG_8126 IMG_8048 IMG_8012 IMG_7999 IMG_7986 IMG_7982 IMG_7976 IMG_7966 IMG_7851 IMG_7863 IMG_7878 IMG_7888 IMG_7906 IMG_7945 IMG_7954 IMG_7821 IMG_7815 IMG_7808 IMG_7761 IMG_7754 IMG_7745 IMG_7731 IMG_7655 IMG_7656 IMG_7687 IMG_7695 IMG_7702 IMG_7717 IMG_7725 IMG_7653 IMG_7650 IMG_7598 IMG_7585 IMG_7564